Magaalada Buuhoode ayaa saaka ka bilowday Dagaal wajiyo badan isu badalayey oo ugu danbaytnii ay ku guulaysteen Xoogaga Shacabka Buuhoodle .

Waxaana saaka aroornimadii Buuhoodle laga warhelay inay ku soo maqan yihiin
Ciidamo aad u badan oo ku soo fool leh Magaalada oo ugu yaraan 4 afar dhinac
kaga soo socda.

Dagaalka ayaa markiiba muddo kooban waxaa dib u soo ruqaansaday Xoogaga
Buuhoodle, waxaanay si fudud gacanta ugu gashay Jabhado OGobolada
Waqooyi Galbeed ee SNM. ka dib markii loo banneeyey markii la arkay
Tiknikada taasoo ay ahayd Xeel dagaal oo loogu talo galay sida ay sheegeen Saraakiisha Dagaalka Hogaaminaysay oo la yidhaahdo Cabdi fataax, waxaanay soo galeen jabhadaha SNM magaalada iyagoo calan ka taagay Saldhiga Booliiska iyo meelaha Dawlada.

Waxaana markii ay soo gaadheen Dukaanka Xaaji Ciise iyo magaalada badankeeda
ku soo butaacay boqolaal cadhaysan oo wata Hubka fud fudud iyagoo ka soo galay
meel walba oo Magaalada ah.

Waxaana hal saac ka dib markuu dagaalku socoday muddo kooban lagu ururiyey
dhinaca waqooyi ee magaalada ee ay Dawladu ka deganayd.

Waxaana magaalada dhinaca koonfurta iyo bariga iyo galbeedkadba ku baahay shacabka buuhoodle iyadoo daqiiqadba daqiiqada ka sii danbaysa gurmadku soo
gaadhayeen.

waxaana soo gaadhay Gurmada badan oo ka yimi dhinaca Goob.

waxaana markii danbe ay ku guulaysteen in laga saaro magaalada gebi ahaanba iyadoo awood iyo xooga looga saaray .

Malaysiyada oo aad u daalay ayaa waxaaa lacaydhsanayey markii magaalada
laga saaray illaa duleedka Baliga Shangale .

Hada ma jirto xabad xawli ah oo hada socotaa, waxaana socda diyaargarow, iyadoo ay soo gaadheen shacabka Buuhoodle kumaan kun iyadoo ay horaynayaan
saraakiisha Hogaaminaysa Ciidamada ee mujaahidiinta shacabka Boohoodle oo
guulo waawayn ka gaadhay dagaalka maanta.

Gurmadka ayaa uga imanaya dhinac walba oo magalada ah iyadoo laga soo baxay
dhamaan tuulooyinka iyo magaalooyinka ku xeerarn Buuhoodle.


Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo khasaarihii saaka ka dhashay weerarkii gaadmada ahaa ee Maleesiyada Somaliland ku soo qaaday magaalada buuhoodle ayaa sheegaya in in ka badan 30 askari oo ka tirsan Malaysiyada Somaliland lagu dilay iyadoo ay jiraan dhaawac aad u farabadan oo la gaarsiiyey Malaysiyada Somaliland.

Dhanka Ciidamada iyo shacabka gobolka Cayn ayaan khasaare sidaas u badani soo gaarin maadaama ay difaac ku jireen, waxaase jira dad shacab ah oo isugu jira Dumar iyo Odayaal dhowr ah oo ciidamada Somaliland ku dileen duleedka magaalada.