Madaxdhaqameedka SSC oo maanta shir Jaraa'id ku qabtay aqalka Madaxtooyada ee magaalada Taleex..

ayaa si kulul u canbaareeyey weerarkii qaawanaa ee maleeshiyada Somaliland kusoo qaaday saaka magaalada Buuhoodle.

Golaha isimada oo dhamaantood shir saxafadeedkan fadhiyey ayaa waxaa u hadlay Garaad Salebaan Garaad Maxamed iyo Garaad Jamac Garaad Cali.

Labada waxay maamulka Somaliland ku canbaareeyeen dagalkii ay saaka kusoo qadeen magaalada Buhoodle, iyagoo shacabka SSC meel ay joogaanba ugu baaqay inay dalkooda daafacaan.

Waxayna ugu baaqeen maamulka Somaliland inay si deg deg uga baxaan dhamaan deegaamada SSC, joojiyaana dagaalka Buuhoodle.

Wararkii ugu danbeeyey ee magaalada Buhoodle ayaa sheegaya in jab iyo khasaare badan la gaadhsiiyey maleeshiyadii Somaliland dibna looga riixay fadhiisimahoodii.

Bandhtamaha magaalada Buuhoodle waxaa weli daadsan meydadka maleeshiyadii saaka duulimaadka soo qaaday.