Baafin

Uganda(feb.20.09): Aniga oo ah Axmed Nuur iyo xaaska hooyadeed oo Safiya Maxamed ayaan halkan waxaan ka baafinaynaa xaaskayga Ikraam Sheekh Cabdi oo ay iskugu kaaya dambeysay gobolka Gedo, gaar ahaan Luuq. Hooyadeed ayaa waxa ay ka warqabtay in ay dhooftay, balse aysan ka war hayn meesha ay u dhooftay.

Haddaba waxaan si naxariise leh u weydiisanayaa bulshada Soomaaliyeed in ay inaga caawiyaan xaaskayga oo aanan war kala helin muddo sanad ku dhowaad ah.

Aniga waxaan hadda joogaa oo aan ku noolahay wadanka Uganda, gaar ahaan Kampala. Fadlan ciddii war kahaysa ama og meesha ay ku nooshahay xaaskayga ha siiso e-mail-kaygan oo ah fowzi74@hotmail.com  ama ha'igala soo xiriirto dharkayn media oo ii sahlay in aan xaaskayga ka baafiyo (dharkayn@dharkayn.com)

Mahadsanidiin 

Kampala, Uganda

www.dharkayn.com