Baaq Nabadeed

 

Ku: Mas’uuliyiinta Ururka Bulsho

Ku: Mas’uuliyiinta Puntland

Ku: Isimada iyo waxgaradka gobolka Mudug 

Ku: Dumarka, dhalinyarada iyo dhammaan xubnaha Bulshada

Ku: Qurbajoogta soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan

 

Codsi: Soo Afjarid degdeg ah ee dagaalka Gaalkacyo ee u dhexeeya dadka ehelka ah.

 

Dagaalka ka huraya Gaalkacyo waa dagaal sokeeye oo dhinac walba ku qaldan: diin ahaan, dhaqan ahaan, dhaqaale ahaan iyo xuquuqda insaankaba. Dagaalkani wuxuu galaaftay dad badan oo dhan walbaba ka wada dhashay. Sidaas darteed, waxaan ku baaqeynaa in dagaalka loo joojiyo loogana hortago sida ugu dhakhsaha badan.

 

Madaxda, mas’uuliyiinta iyo waxgaradka ay warqadani sida tooska ah ugu socoto ayaga oo tixgelinaya qodobada hoos ku qoran ayaan si xushamad iyo sharaf leh uga codsaneynaa in dagaalka ay joojiyaan, wada hadalna xal waara lagu raadsho.

 

·    Dadka is laynaya waa dad walaala ah, is wada dhalay weligoodna isa soo ahaa. Sidaas darteed, dagaalku haddii uu sii socda waxaa suurtagal ah in uu sii sababo barakac intaa ka sii ballaaran.

 

·    Shacabka ku dhaqan carriga dagaalku saameeyey oo in dhowaalaba abaar ba’an la ciirciirayey ayay khasab tahay in loo naxariisto oo aan colaad, burbur iyo barakac aan loo geysan.

 

·    Waxaan ku boorineynaa in waxgaradka, aqoonyahanada, abwaanada, culumada, iyo odayaasha lagu yaqaan nabad raadinta ay horkacaan, dadaalka nabadaynta beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gaalkacyo

 

·    Dhammaan qurba joogta Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa in ay gargaar deg deg ah la gaaraan xaasaska, agoonta iyo waayeelka ku waxyeeloobay colaadda fooshaxun ee iminka ka aloosan Gaalkacyo, kana fogaadaan iskana ilaaliyaan kharaj ku bixin oogid dagaal sokeeye.

 

 

Waxaanu ku soo gunaanudaynaa baaqayaga in dagaalka udhexeeya dadkaa walaalaha ah ee reer Gaalkacyood la soo afjaro.

 

 

 

Wabillaahi Towfiiq.

 

 

Ururka Bulsho

Faysal C/raxmaan Caligaas

Norway