KU: Gudida Qaban qaabada Shirwaynaha Khaatumo labo.
KU: Dhamaan Isimadda Dhulbahante iyo Shacabweynaha Dhulbahanteba


Ujeeddo:BEEN ABUURIS BAAQA GOGOSHA SHIRKA KHAATUMO TWO

Salaanta Islaamaka ka dib, waxa maalintii khamiistii, ee bisha 14keedi, lagu shaac bixiyey goobaha Internetyada in Garaadka iyo Cuqaasha Beesha Cabdi Garaad si wada jir ah u codsadeen gogol dhiga shirka Khaatumo Two, ee dhawaan ka dhici doona degaankeena hooyo, hadii Eebe raali ka noqdo.


Arintan oo ah mid aan waxba ka jirin, kana soo bixin Garaad Cali Buraale iyo Cuqaasha beesha Cabdi Garaad midna, ayaa runtii aad uga xanaajisey Garaadka, Cuqaasha, iyo Waxgaradka beesha Cabdi Garaad.


Iyadoo Garaad Cali Buraale hada ku sugan yahay wadanka Canada arimo caafimaad awgeedna, uusan kaba soo qayb gali karin shirka Khaatumo Two, isla markaana hore loogu o’gaa in Garaadada beesha dhulbahante mid kamid ahi hore gogosha ugu baaqey; ayeysan uga suurto gali karin in Garaadka iyo Cuqaasha beeshu ku dhawaaqaan baaqaas beenta ah.


Baaqan been abuurka ah, ayaa ahaa mid dhalinyaro aan xil kas laheynin ku dhawaaqeen, iyada oon lala ogeyn falkaas, kuwaasna tolku talaabo ka qaadi doonaan, Insha Alaah.


Garaadka, Cuqaasha, iyo Beesha Cabdi Garaad mar walba waxay hormuud u yihiin, isla markaana garab taagan yihiin Gudida Shirka Khaatumo Two, iyo go’aanadoodaba. Isla markaana soo dhaweynayaan goob walba oo loo qoondeeyo shirkaas.

 

Mahadsanidiin


G/miyaha gobolka Sool: Md. Sulub Cali Gaas

 

Bahda Warbaahinta Dharkayn