Masjidka Saaxmeegaag

 

Ma rabtaa saddaqatul jaariyah oo ku anfacda aakhiradaada, waxtarna unoqota bulshada islaamka. Ma Jeclaan lahayd inaad wax tarto waalidkaaga ama waalidkiis, mase ogtahay inaad u samayn karto camal u socda iyaga oo dhintay.  Masjid dhiskuna uu ka mid yahay camaladaas?

 

Fadlan ka faa’idayso fursaddan muhiimka ah ee aad lakowsan karto. Waxaan kula soo doonanay khayrkan oo ah dhismaha masaajidka Saaxmeegaag.  


Culimada iyo dadweynaha deegaanka ayaa ka codsaday dadka Khayrka Jecel inay ka qeyb qatan dhismaha masaajidka. Haddaba ummada Soomaaliyeed ee ee dooneysa inay ka qeyb qaadato dhismaha masaajidkan  ha lasoo xiriiraan mareegtan dharkayn .com oo e-mail-keedu yahay
dharkayn@dharkayn.com.

 

Haddii aad doonayso in aad kaqeyb qaadato dhismaha masjidka, oo aad donayso in aad soo dirto lacag ogow waa muhiim in lacagaha astaan looga dhigo masjidka Saaxmeegaag. Ama adiga shakhsi ahaan la xiriir ciddii aad danaynayso in aad ku hagaajiso lacagta masjidka.

 

Wadashaqayn wacan.