SOOMAALIYA
waa lamadegaankii jaxarka, jawrka iyo xakaarka. Dhulkii aanooyinka. Carrigii dagaalooge iyo gacandhiigle. Geyigii colaadda. Ciiddii mooryaanta. Hooygii hoogga, kufsiga iyo karaamadarrida. Xabsigii saboolka iyo silica maanmaalka iyo addoomada Ilaahay. Dalkii goblanka, madiga, agoonka, rajayga, armalka, asayda, abtirsiimo-laaweha, looma-ooyaanka, iyo oohinta.

"Waddankeennu waa wadnihii jidhkeenna"[ii] ee nacayb iyo dhiig sokeeye fatahay!
DAGAALLADU ma laha gacaltooyo ama ba guhaad loogu kala xilan karo. Si dhif ah ayay nacabtooyada dagaalka sokeeye u kala duwan tahay. Mid shalay ahayd iyo mid maanta joogta ba, mid midda kale dhaanto, ma jirto. Colaaddu, weli isla sideedii hore ayay wax u dishaa; wax na u dumisaa. Isla sidaas oo kale ayay weli na waxyeello u geysan doontaa -- sidii shalay ama ba maanta. Si kasta ba, dhibbanaha ugu horreeya oo ay colaadda disho waa RUNTA. Walaal iyo wadaaygiis, asii midkood ba kan kale, rogaal iyo col ba ruuga u dhigay, ayaa eedda isku kala dadbi doona. Midkood na ma qaadan doono in uu noqdo eedeysanaha nabaddii aasay. Mid kasta na isaga ayaa isla gar lahaan. Isaga ayaa isku tilmaami doono in uu yahay runlowga keli ah ee runta sheegahaya.

Dhibbanayaal, bartamaha dagaalka ku go'doomay ayaa se jiray, kuwaasoo ku dhex saxariiray dhiillooyinka waalnaa iyo gadoodkii ka dhex dhacay beelihii ridamaayay, iyo is-kala-reebkoodii qubay dhiiggii qaranka -- ilmadii dagaalka sokeeye.
DHIBBANAYAASHA sida la caadaystay, waxa la soo hadalqaadi doonaa waayo dambe dabadood. Ama "shibteedaay" ayaa laga wada geli doonaa; si aan cawrooyin muuqda loo qaawin. Ama kaagadaranta, waa ba lagu faani doonaa halkii looga murugoon lahaa tiryooyinkii sokeeyihii la dilay; see waa iska xaal dagaal e. Arrinta ugu wada fooshaxun na, waa midda iman doonta gabaabsiga dagaalka: Waa ba la illoobi doonaa. Cid doonaysa in wax ogaato ba ma jiri doonto. Qof kasta na waxa uu doorbidi doonaa in uu noolaado noloshiisa; dantiisa na aan uu u seegin dhacdooyin dhacay tagto hore.
Si ayan hadda ba taas oo kale u dhicin; waxa aan jeclaan lahaa in aan Soomaalida ku baraarujiyo qoraalkaygan. Dhibbanayaashii "iilka lagu gaabshay" waa in hogga hiilka loogu geeyaa.
BERIGA maanta ah, waxa aan doonahayaa in aan xusuusto hooyaday, aabbahay, awowgay, ayeyday, abbaayday, abboowgay, xididkaygii, xigaaladaydii, deriskaygii, saxiibaday; guud ahaan na, dadkaygii sida kaska iyo bareerka ahayd loogu riqday. Sokeeyihii sida turriino la’aanta lahayd loogu rigaaxay reemida madaafiicda. Gacalkaygii hoobtay ee aan ruux na laga caymin. Saaxiibaday iyo deriskaygii ay laayeen Koofiyad Castii, jabhado-ku-sheeggii, dowlad-ku-sheegga, bombooyinkii, Teknikadii, Mooryaantii, dagaaloogihii, siyaasigii, reer magaalkii, iyo reer miyigii -— qawleysatada badda iyo berriga. "Giddigiis naflaa'iga wixii gobolba meel aaday."[iii] Colaaddii, xasuuqii iyo duqyentii aan loo aabayeeli jirin awgii, Soomaali ayaa ku kala irdhoobay. Dadkii uu aabigu qixiyay, baylahda na uga dhigay arradka, asqada, oonka, gaajada, hawkarka, dhaxanta, iyo dheelka arooyaad; iyo -- dhibbanayaashii ka soo noolaan kari waayay. Soomaalidaas ayaa maanta mudan in aan xusuusto. Cid aan taa na ku habaaro ama ba ugu duceeyo, garan an maayo. Lixaadkaygii ayaa socod iyo gudub[iv] u diriray, socod iyo gudub na isu dabargooyay. Hohey, ma midigtaydii iyo bidixdaydii ayaa is-jaray!

Haddii maanta halka wax oo aan diidan ahay se uu laabtayda geli lahaa; waa hubanti: in aan sheegga Soomaalida oo idil wada nici lahaa. Ma ogi si aan hadda na u nici karo lafahayga iyo dhiiggayga. I ma ogid e; Soomaali ba ayaan ahay. Soomaali xumaan tirsanaya, xummaan na aan cid na la doonayn; bal se ay xumeeyeen Soomaali walaalihiis ah ee xun. Soomaali xun iyo Soomaali san se; Ilaaha Weyn ayaa iga kala yaqaan. Anigu na, wallee, qaar xumaa, kuu ogi!

Reer kasta waxa laga tebaa gacalkii aan ka soo samatabixin colaaddii qaranka. Sidaas darteed na, baroordiiqda qaranka ee taahbeeshay ka qeylo dheer wax aan la maqli karayn! Murugooyinka shibban ee baarooranaya. Anigu se indhuhu oohin awgeed ayay i la basaaseen.

MARKA dagaalka la ebyo, wax iisha ba, runta ayaa ugu horreyn doonta. Waa qaan innaga oo dhan la inoo haysto, haddii dhibbanihii colaaddu noqdo tiro lagu qoray sadar ama ba uu noqdo tirsi la qatifay ama ba qalfoof iil iska dhextaal uun. Runtii na wax aan qeexnayn, ama la qasay ama ba ay noqoto wax raqdii lagu aasay maydadkii lagu qariyay. Soomaaligii la halmaamo na, waa sidii "isaga, kiyoo la dilay mar labaad ". Runta waa in la soo ifbixiyaa.

ARRIN weeye aan si aad ah ugu bogsan lahaa, jiilaalka aan igu kufka ahayn iyo facyaalka iga dambeeyo oo idil, haddii la wada bari lahaa; sokeeyihii la dilay, la qixiyay, la barkiciyay, la na bililiqeystay in ay GEF WEYN ahayd; si runtii na ay u noqoto mid la taray hiil ; mid loo wada dooday, iyo mid qareen loo wada noqday, iyo mid la wada qaayibay.

YIDIDIILO aad u wanaagsan ayay ahaan lahayd, soohdimaha colaadda iyo nacaybka haddii aan iskaga soo maaxi lahayn; si aan runta isugu wada sheegno, isu na wada maqalno. Waa in aan is aaminnaa, la isu soo hoydaa, la isku na kalsoonaadaa. Waa in aan qolo goonni ah na loo takoormin! Beel ha sheegan, gobol ha sheegan, degmo ha sheegan, tuulo ha sheegan;-- qabiil na, ha sheegan. Dalka Soomaaliya, Soomaalinnimo, qarannimo, iyo Islaannimo sheego! WEYNNI adiga oo arkahaya, maxaad walaalkayow ku falee weydnimo!
Madasha aan ku kulmayno iyo goorta aan kulmi doono, labadu ba, waxa ay digniin iyo waanooyin, iyo qeylodhaan ba u noqon doonaan innaga oo idil; si aan ay colaad dambe u helin dabayl hurisa iyo shidaal dambe oo ay quudato ba.

LAGA billaabo berigaas haddii uu Allaah igu simo, iyo teeryo beriga kale ee aan anigu na ku biiri doono halkii loo batay, waxa aan laabta ku hayn doonaa, ku na heesi doonaa:
Soomaaliyaay toosoo toosoo isku tiirsada
Had ba kiinna taagdaran taageera weligiin!
[ DHAMAAD ]