Qoraal ka soo baxay shir maanta Isimada SSC ku yeesheen tuulada Buura Wadal, kaasoo daba socday kulamo maalmahan Isimada halkaasi ku lahaayeen ayaa gabagabadii kulankii maanta laga soo saaray qodobo dhowr ah wuxuuna u qornaa sidan:

Waxaa shir iswaraysi iyo wadatashi ah ku yeeshay magaalada Buura-wadal dhamaan Issimada Dhulbahante,shirkaas oo horaantii lagu qabtay magaalada Holhol gogol uu dhigay Garad Jama Garad Ismail.

Isimadu waxay falanqeeyeen mudarada ka haysata dadkooda duulaanka gardarada ah ee jamhada Soomaali-diidka ahi kusoo qaadeen qaybo kamida deegaamadadooda,duulaankaas oo keenay barakac baahsan dadkiina ku dhibaataysan yahay xeryaha qoxootiyada ee Kenya,Ethiopia,Yemen iyo Xarumaha Gobolada kale ee Somalia.

Waxaa nasiib daro ah in wadamada daneeya arimaha Somaliya iyo Hay'adaha caalamigu ayan wax gargaara soo gaadhsiin dadkaa tabaalaysan islamarkaana aaney dhaleecayn Jabhadii kadanbaysay falal danbiyeedkaa loogaystay shacabka reer Laascaanood.

Sadexdii bilood ee u danbeeyay waxaa Xarunta deegaamada SSC ee Laascaanood ka bilaabmay qaraxyo iyo falal argagixiso oo ay ka danbeeyaan maamulkaasi,si ay fasax ugu helaan cabudhinta iyo xidhxidhka shacabka reer Laascaanood,waxaa xabsiyada magaalooyinka Mandheera,Burco ,Caynaba iyo Laascaanood ku xidh xidhan Ganacsato,Odayaal,Siyaasiyiin iyo Culima'udiin aan wax danbi ah galabsan.

Waxaa kaloo la barakiciyay walaalahayagii Soomaaliyeed ee kasoo haajiray colaadaha ka aloosan Gobolada Koonfureed oo hoy iyo hantiba ka yagleeshay deegaamadayada.

Hadaba waxaanu la socodsiinaynaa UN, Urur Goboleedka IGAD, AU, Arab League, Dowlada Federaalka iyo cid kasta oo danaynaysa nabadgalyada Geeska Africa hadii aanay xal dagdaga u helin ka saarida ciidamada gardarada aan geedna loogu soo gaban ku jooga deegaamada SSC in uu ka aloosmi doono dagaal raag oo riiq dheeraada yeeshana wajiyo badan.

Hadaanu nahay Gudoonka Gobolada SSC waxaanu mar walba u taaganahay wada noolaanshaha umada Soomaaliyeed, kashaqaynta daris wanaaga iyo nabadgelyada ,arintaa waxaa marag cad u ah in xoolo dhaqatadii kasoo guurtay gobolada Togdheer iyo Waqooyi Galbeed ay maanta si nabadgalyo ah ku daaqayaan deegaamadayada .

hadaba waxaa muuqata in aanay Jabhadaasi wax dana ah kalahayn dadkooda maadaama dadka ay ka dhaxayso Ceelka,Carshinta iyo Cowskuba.

hase yeeshee marnaba uma dulqaadan doono in dadkayaga la dibindaabyeeyo iyadoo qabiil usoo huwanayo hagoog maamul.Si xal loogu helo dhibaatooyinka haysta dadkayaga waxaanu si wada jir ah isula qaadanay qodobadan:

1. Waxaanu samaynay Gudi layiraahdo Qusuusi.
2. Qusuusigu waxay ka koobnaanaysaa 21 xubnood,Sadex kamidi Dumar yihiin.
3. Qusuusigu waxay awood u leeyihiin in ay ansixiyaan ama badalaan Hogaankii lagu soo dhisay Nairobi.
4. Qusuusida waxaa soo xulaya Beelaha waxaana ansixinaya Issimada.
5. Qusuusidu waxay iska dhexdooranayaan Gud. Kuxigeen iyo Xoghayn
6. Qusuusida waxay mudadooda ku egtahay sanad iyo badh laga bilaabo maalinta la ansixiyo.
7. Qusuusiga waxaa lagu keenayaa mudo dhan 10 casho laga bilaabo maalinta gudoonkani soo baxo.
8. Qusuusiga waxaa kala diri kara Issimada saxeexay cod 2/3.
9. Shuruudaha lagu soo xulayo waxaa qeexaya xeer hoosaad ugaara.
F.G.: Issimada ayaa kala hadlay Puntland hogaankii Nairobi inay soo galaan gudaha si ay u horyimaadaan Qusuusida.

Wacyigelin

Waxaa la dirayaa laba wafdi oo kakooban Issimada Cuqaasha iyo Xubno kamida Qusuusida waxaana loo kala dirayaa deegaamada SSC si ay dadka ugu soo baraarujiyaan xaalada adage e lagu jiro iyo sidii looga bixi lahaa. 

Dhaqaalaha

Dhaqaaluhu waa lafdhabarta lama huraanka ah ee loo baahan yahay waana arin aan, la'aanteed suuroobi karin waxqabad rasmi ah, waxaana la isku raacay dood dheer kadib in laga raadiyo jaaliyada dibada iyo wadanka gudihiisa,wixii faahfaahin ah ee intaa dheer waxaa qeexaya xeer hoosaad ugaara.

Puntland

Sida lawada ogsoon yahay sadexdii maamul ee ukala danbeeyay Puntland midba midka kale waa uga dacay iyo hagardaamo badnaa waxayna sahleen in laqabsado laguna fido qaybo kamida deegaamada SSC,waxayna curyaamiyeen isku day kasta oo lagu soo celin lahaa deegaamadaa.

Sidaa darteed Dhaqan iyo Shacab ba waxaa u cadaatay in xukuumada hada jirtaa aanay diyaar u ahayn waxkaqabadka howshaa,hadaba waxaanu go'aansanay in xaajadaa loo wajaho hab qabiil hormuudna aanu ka noqono beel ahaan, xukuumada waxaan ku qiimaynaynaa hadba sida ay ka yeesho howshan maanta lagudoomiyay.

Waxaan marnaba la ilaawi Karin taageeradii naf iyo maalba lahayd ee ay muujiyeen shacabka reer Puntland isku dayadii lacuryaamiyay ee lagu soo celin lahaa gobolada SSC hadana waxaa looga baahan yahay taageero hiil iyo hool ba leh.

Magacyada Isimada Saxiixay

1. Garaad Cali Buraale Xassan
……………………………………………..................................
2. Garaad Salebaan Garaad Maxamed……………………………......................................
3. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil……………………………………………………………….
4. Garaad Cabdillahi Garaad Soofe……………………………………………………………….
5. Suldaan Siciid Cismaan Cali………………………………………………………………………
6. Garaad Abshir Salax Maxamed………………………………………………………………….

7. Ugaas Cabdillahi Ciise Nuur……………………………………………………………………….
8. Garaad Jaamac Garaad Cali ……………………………………………...................................
9. Boqor Cabdillahi Ahmed Cali…………………………………………………………………….

10. Garaad Cabdisalam Hasan Maxamed……………………………………………………….
11. Garaad Maxamud Cisman Mashqare…………………………………………………….
12. Garaad Saleban Burale Ow-Adan…………………………………………………………….
13. Garaad Cabdillahi Maxamed Guuleed……………………………………………………..
14. Ugaas Faarax Max'ud Cali…………………………………………………………………………
15. Garaad Ibrahim Baaruud Guutaale