- Sheikh Maxamed Cabdi Umal ayaa Jabhadda UWSLF ugu baaqay in ay deg deg uga laabtaan heshiiskii dhexmaray Jabhadda iyo Itoobiya, isagoo heshiiskaas u tilmaamay khald weyn oo ka hor imanaya Mabda’a Diinta Islaamka, oo qodobo ku jirana ay yihiin Gaalnimo Cad, waxana uu sheegay in uusan waxba ka ogeyn heshiiskaas… Waxaa sidoo kale heshiiskaas in uu khalad ahaa ka hadlay Sh. Xasaan Xuseen oo ku tilmaamay heshiis meel ka dhac ah…
Waraysi uu TV-ga Aljazeera siiyey Sheikh Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in farqadda 5aad ee Qodobka 1aad ee heshiiska uu yahay “Gaalnimo cad” “ßÝÑÇ ÈæÇÍÇ”, sababtoo ah, ayuu yiri, waxaa qodobkaas ku cad in Jabhadda UWSLF ay aqbashay Dastuurka Itoobiya. (Qodobkaas waxa uu dhigaya: UWSLF waxay aqbashay in ay u hoggaansamayso Dastuurka Federaalka ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Itoobiya iyo qawaaniinta kale ee dalka.)
Sheikh Maxamed Umal waxa kale oo uu sheegay in uusan waxba ka ogeyn ama waxba kala socon heshiiskaas dhexmaray UWSLF iyo Itoobiya, sida ay saxaafaddu hore u faafisay. Sheikh Ibraahim oo ah guddoomiyaha UWSLF oo heshiiska la saxiixay Itoobiya ayaa hore u sheegay in uu hambalyo ka helay culimo uu ka mid yahay Sheikh Maxamed Umal. Sheikh Ibraahim oo sheegaya magacyada culimada heshiiska ugu hambayleeyey DHEGEYSO.
Sheikh Umal waxa uu heshiiska UWSLF iyo Itoobiya ku tilmaamaay “khalad aad u weyn oo ka soo horjeeda mabaadiida iyo qawaaniinta Islaamka.” Waxana jabhadda UWSLF ugu baaqay in ay arrintaas ka laabtaan , oo saxaan, inta goori goor tahay.
Warka Aljazeera (Carabi) ka akhri halkan
Sheikh Xasaan: UWSLF haka laabtaan heshiiska, hana ka toobad keenaan.
Sidoo kale waxaa arrintaas ka hadlay Sheikh Xasaan Xuseen Aaden, heshiiskaas UWSLF iyo Itoobiyna ku tilmaamay mid meel ka dhac ah iyo xadgudub ah, waxana uu jabhadda iyo taageerayasheeda ugu baaqay in ay heshiiskaas degdeg uga laabtaan, kana toobad keenaan.
Sheikh Xasaan (Abuu Salmaan) hore ayuu fadwo dheer (oo ka kooban 45 bog kuna qoran Carabi) uga soo saaray heshiiska jabhadda iyo Itoobiya oo uu ku tilmaamay isdhiib (akhri) ama halkan.
Sheikh Maxamed Cabdi Umal ayaa hore uga hadlay Dastuurada kale, gaar ahaan xilligii lasoo dhisay DFKMG ee Sheikh Shariif ayaa Sheikh Umal waxa uu magaalada Nairobi salaadii Jimcada ee Janaayo 30, 2009 oo uu si kulul ugaga hadlay ku dhaarashada Kitaabka Quraanka iyadoo la adeecayo Dastuur aan waafaqsanayn Quraanka. Halkan ka dhegeyso ama soo rogo (mp3).
July 29, 2010 ayaa heshiis dhexmaray jabhaadda UWSLF iyo Itoobiya, kaas oo heshiisku dhigayo in la soo afjaray iska caabintii ay jabhaddu soo wadey 18 sano (oo ay u dagaalamaysay xornimad doon), isla markaasna in jabhaddu u hoggaansantay dastuurka Itoobiya, ayna noqotay shacab.
Culimaada Soomaaliyeed marar badan oo hore ayay aah uga hadleen qadiyadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya.
Xigasho Somalitalk