Wax shir ah oo la'iskugu yimi oo ka dhacay magaalada Dharkayn Geenyo majiraan. Sidaasi waxaa hadalka u dhigay shakhsi aynu kala hadalnay asaga oo ku sugan bartamaha Dharkayn. Golaha SSC Badbaado oo uu kadhexmuuqdo siyaasiga wayn ee Cismaan Xaaji Cali ayaa shir ku qabtay magaalada Dharkayn Geenyo.

Cismaan xaaji Cali oo halkaa ka hadlay ayaa waxa uu yiri waa soo dhoweynaynaa waxkasta oo lagu dhamayn karo khilaafka. Waxana uu yiri asaga oo hadalkiisii sii wata waa lama taabtaan xoraynta gobolada SSC. Waxaanu diyaar unahay xallinta khilaafaadka aan micnaha lahayn ee lagula dhex jiro SSC.

Haddaanu nahay SSC Badbaado waxaanu dhowr jeer isku daynay in horay looga gudbo dhibka ku dhex jira maamulka, balse waxba nalaga maqli waa. Weli waxaanu diyaar unahay, soona dhoweynaynaa waxkasta oo keeni kara in lagaga gudbo khilaafka.