Waxaa saaka la wareegay magaalada Galgala ciidamo uu hogaaminayo Jeneraal C/laahi Ilka jiir oo u badan kuwa deegaanka oo garab ka helay ciidamda daraawiishta Puntland.

Waxaanay ka danbaysay markii ciidamda deegaanka u dhashay ee ka tirsanaa maamul goboleedka Puntland shalay ka baxeen dagaalaka laakiin isla shalay gelinkii danbe lagu qanciyay in iyaga aan lagu gacandhaafin dagaalka ayaa saaka weerar aad u balaadhan ku qaaday buuraha Galgala. Waxaana la sheegayaa inaanay kala kulmin iska caabin xoogan, waxaana u suura gashay inay si nabad ah gacanta ugu dhigeen magaaladii mudooyinkan danbe mashaqadu ka taagnayd.

Dhinaca kale ciidamadii uu hogaaminayay Atam ayaa la sheegayaa inay u dhaqaaqeen dhinaca buuraah galbeed kaga beegan magaalada Galgala ee lo yaqaan Madarshoon, halkaas oo ay doonayaan inay gabbaad ka dhigtaan.

Waxaa kale oo ay noo sheegeen maraan saaka khadka telefoonka kula xidhiidhnay dad goob joog ka ahaa markii shirka jaraa'iid uu qabanayay Ilka jiir isagoo la hadlayay dadka deegaanka inuu dagaalkii dhamaaday wiilashii maleeshiyada ahaana laga saaray deegaanka, wixii hada ka danbeeyana aan loo ogolaan doonin in ay fadhiisimo ka samaystaan Galgala ciidanamo aan ka amar qaadan P/land.

Waxa kale oo isna halkaa hadalo kooban ka jeediyay  madaxweyne ku xigeenka P/land isagoo jooga magaalada Boosaaso xaga  khadka telefoonkana ugu mahad naqay ciidamadii ka caawiyay inay gudaha usoo galaan magaalada Galgala oo uu ku tilmaamay geesiyaal. Waxaa kale oo uu sheegay inay isha ku hayndoonaan wixii hadda ka danbeeya magaalad Galgala.

 

Bahda Warbaahinta Dharkayn