Madaxwaynaha Dawlada Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta xariga ka jaray Garoonka Garowe interantional Airport oo badalaya Kanoco Airport.

Garowe interantional Airport ayaa dhismahiisa mudo dheer ka socday duleedka magaalada Garowe ee casimada Puntland waxaana maanta lagu guulaystay in la soogabagabeeyo.

Xaflada Furitaanka Garoonka waxaa ka qaybgalay madaxwaynaha Dawlada Golaha wasiirada Golaha wakiilada Saraakiisha Ciidamada Wasfuud ka socotay Caalamka iyo Marti sharafkale.

Madaxwayne Faroole ayaa khudbad dheer ka dhagaystay gudigii dhismaha Garoonka Garowe interantional Airport waxaana ay uga warameen marxaladihii ay soo mareen.

Madaxwayanaha ayaa intaa kadib mahad u celiyay Gudiga Dhismaha Garoonka iyo martidii kale waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in si nabada ku soo gabagaboobo dhismaha Garoonka.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in dhismaha Garoonka uu kamidahaa arimihii ay uga warbixiyeen shirkii Satanbuul taa oo laga balan qaaday in laga caawin doono dhismaha laba garoon iyo Dekeda Boosaaso.

Faroole ayaa shacabka reer Puntland Wadamada Caalamka Jaaliya Jaaliyada dibada ugu baaqay in ay ka qaybqaataan dhismaha Garoonka.

Gabagabadii Xaflada Furitaanka Garoonka waxaa si tijaabaa ugu soo caga dhigatay Diyaarad Nooca rakaabkaa waxaana isla goobta ka duulay Eng Fuliyay dhismaha garoonka iyo rakaab kale.