Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa gaaray deegaanka Gal-Gala oo xarun u aheyd maleeshiyaadka sh. ATAM.
M/weyne xigeenka Puntland C/samad Cali Shire iyo wasiirka arrimaha gudaha C/laahi Ilkajiir ayaa hogaaminayay masuuliyiintaa gaartay deegaanka oo isugu jiray wasiiro iyo saraakiil ciidan. Dadka deegaanka ayay fadhi la qaateen kaddib markii ay halkaasi gaareen.
Sarkaal u hadlay ciidamada halkaasi gaaray ayaa sheegay in ay ku raad joogaan firxadka maleeshiyada ATAM.
Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay maleeshiyada ay kula dagaalameen Galgala in ay ka dambeeyeen dilalkii iyo amnidarridii mudooyinkan ka jirtay deegaanada Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso.Wareysiga m/weyne Faroole (BBC) >> -Dhageyso
Bahda Warbaahinta Dharkayn