Kullan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 200 oo xubnood kuwaasoo isugu jiray Odayaal, Waxgarad, Ganacsato, culumaa’udiin, ayaa ka dhacay khadka telefoonka oo ay beeshu ku dooranayeen hoggaan cusub.
Kullankan oo ay soo qaban qaabiyeen dhalanyaro ayaa waxaa isugu yimid dad magac iyo mansaba ku dhex leh beesha, iyadoo muddona la soo diyaarinayay qaabka uu u dhici doono, sida loo dooran doono hogaanka iyo weliba dastuurka uu ku dhaqmi doono si uu u kala xugmiyo xaaladaha hoose ee beeshan iyo weliba sidii ay nabad ugula dhaqmi laheyd beelaha kale ee ay ood wadaaga la tahay.
wadahadal iyo falanqeyn dheer kaddib ayaa la guda galay soo bandhigidda xubinta noqoneysa hogaanka dhaqanka iyo mideynta jaaliyadda beesha Qayaad iyadoo ay abaabulayaashii shirkan faah faahin ka bixiyeen xaaladihii badnaa ee ay soo mareen si ay u helaan xubin u qalanta hogaanka dhaqanka ee beesha.
Ugu dambeyntiina abaabulayaashii iyo xiriiriyaashii shirka ayaa isla gartay in madashan ballaaran cod loogu qaado guddoomiyaha cusub. Hogaanka cusub haddii aanu u qalmin qabashada xilkanna ay qiyaar u leeyihiin inay diidaan. Waxaana goobta si buuxda uwada aqbalay dadkii kulanka telefoonka iskugu yimid.
Guddoomiyaha ayaa loo magacaabay Faysal Cabdirizaaq Gaas oo ka mid ah dhalanyarada beesha Qayaad.
Guddoomiyaha cusub oo hadalo kooban halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kalsoonida iyo hogaanka loo dhiibay, wuxuuna balan qaaday inuu si daacadnimo, caddaalad, karti iyo hufnaan ku hogaamin doono arrimaha dhaqanka ee beesha wuxuuna carabka ku dhuftay in wixii siyaasad ah ay u qaabilsantahay Ururka Bulsho oo ah urur siyaasi.Waxaa lagu soo gabgabeeyey in xubnaha jaaliyadda la soo dhamaystiri doono sida ugu dhakhsaha badan.
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Guddoomiye: Faysal Cabdi Gaas, tlf: 614 2861225 - USA
G/ x. iyo Afhayeen Ururka Bulsho: Axmed Cilmi, tlf: 861 5170055377 - China
Xiriiriyaha Ururka Bulsho: Cabdiraxmaan Cali Khaliif, tlf: 47 94157629 - Norway
Bahda Warbaahinta Dharkayn