|
Waraysigii U Horeeyay Ee Aan Madaxweyne Siilaanyo Layeesho |
|
(Maya maya adeer dhaartii horteed ayey sii qornaayeen wasiiradu)
Markii lasoo saaray liiska wasiirada ee soomaliland ayaan tagay guriga madaxtooyada soomaliland halkaas oo aan hortaba kula kulmay xoghayaha gaarka ah ee madaxwayne Siilaanyo kadibna waxan siiyay waxoogaa landta ah (Lacagta SL) inkasta oo uu isagu Dollar rabay lakiin ma aan hayn Dollar wuuna aqbala lacagtii landta ahayd, dabadeedna waxa uu ii ogalaaday in aan madaxwayne Siilaanyo Waraysto.
Waraysigii aan layeeshay Siilaanyana Sidan buu udhacay.
Sigad: Salaamu Calaykum Madaxwayne
Siilaanyo: Calaykuma Salaam adeer kumaad ahayd?
Sigad: Mudane Madaxwayne magacayga waxa layidhaa sigad Waxanan ka socdaa saxaafada sir raadiska ah.
Siilaanyo: Adeer soo fadhiiso sigadow sirtaad iga doonayso garanmaayo ee anigu imikaaban xilka qabtoo wali Warbadan ma hayee.
Sigad: Mudane Maxdwayne side u aragta saaluuga aya beelaha dhulbahante ka muujiyaan gollaha waasiirada aada magacowdaye Mise Kala taashataye Waxgaradka dhulbahante Mise ku qancidoona iyaga iyo Araab inaye Waasiir wad qataan ?
Siilaanyno: Adeer Horta Dhulbahante aan arkaye ma jiiro ee waxay ka mid yihin dadka aan madxwaynaha u ahaye waan shacabkayga Marka Waxan 100% ku kalsoonahaye inaye qadanaye sababo jira awgood marka suaasha inta ban kaga hadhaye adeer !!
Sigad: Madaweyne sideed u aragtaa ololaha uu ugu jiro mr. Dhimbil in ay Dharkayn Geenyo oo kamid ah degmooyinka ugu waaweyn gobolka Sool ay noqoto degmo.
Siilaanyo: Waa isoo gaaray warkaa, waxaana hordhigayaa xukuumadda in ay degmo noqoto Dharakayn Geenyo.
Sigad: Mudane madaxwayne sirta maanta saxaafada sir raadiku rabto Inay kaa waraysato waxay ku saabsantahay golaha wasiirada Cusub ee aad magacawday markaa raali ma katahay in aan Su,aalo kaa waydiino?
Siilaanyo: Ma intaa uunbaa, haa adeer waxaas anu sirba uma arkee Maxaad u baahantahay oo aan kuu sheegaa?
Sigad : Mudane madaxwayne marka hore wasiiradaada Ma intaanad dhaaran ayaad sii xulatay mise dhaartii Dabadeed?
Siilaanyo: Maya maya adeer dhaartii horteed ayey sii qornaayeen wasiiradu ilayn Waan ogaa in cadaalad la igu dhaarinayee waan kasii Tashaday .
Sigad: Maxaad kasii tashatay madaxwayne?
Siilaanyo: dee taasi waa sir adeer kuu sheegi kari maayo.
Sigad: Madaxwayne waxan ka socdaa saxaafada sir raadiska Ee waxba maha oo waad ii sheegi kartaaye maxaad ka Tashatay?
Siilaanyo: Waxan ka tashaday adeer samaynta wasiirada, oo intii aan Cadaalada la igu dhaarin ayaan sii magacaabay ilayn hadaan cadaalad Wax u dhiso beelaha Isaaq ayuu saamigu ku yaraane
Sigad: Ok Mudane madaxwayne waxad horay u sheegatay in aad dawlad Kooban oo dad tayo lihi ku jiraan aad soo magacaabi doonto Markaa sideed u soo xushay hadaad cadaaladaba ka degdegtay oo Aanad cadaalad wax ku soo xulin?
Siilaanyo: Adeer dariiqa aan u maray soo xulista wasiiradu ma ahayn mid adag oo ugu horaynba xoghayayga ayaan Ku dardaaray in markuu shan jeer soo daayo oo uu ugolaado Galitaanka qolkii hutelka ee aan markaa deganaa 7 ruux oo isaaqa Inuu marlixaadka u ogolaado in uu soo raaco hal qof oo Reeraha darifyada ahi, hadaba markuu soodaayo shanta Isaaqa ah Sadex ama labo ayaan ka qaadanayey marka aw soo raaco halruux Oo reeraha kale ahina waan ku darayey’
Sigad: Reerkii madaxtinimada hayey ee reer Awdal waxad siisay laba Wasiir markaa sirta arinkaa ka dambaysa ma noo ssheegi kartaa?
Siilaanyo: (Qoso yar) nimankaa cadaaladiibaan iyaga u dhiibay ee iyagu Wax ha ku qaybiyaan cadalada anigu cadaalada horteed ayaan wax qabiyee.
Sigad: Sacad Muuse waad utuushay oo waliba isaaqii ayaad ugu saraysiisee maxaad uga jeedaa?
Siilaanyo :Adeer wax kale maahee waxan uga jeedaa in aan hargeysa bilaa buuq Ku fadhiyo ayaan rabaa oo iyaga iyo arabkaba waan iska laaluushay oo Arabkana intaan gudabuursi iyo dhulmahante siiyay ayaan idin siiyay baan Ku idhi ilayn waa shifto oo dariiqyada ayay taayiro ku gubayaan hadaanan Sadfiican siine:
Sigad: Ok madaxwayne laakiin reer Awdal way cabanayaan durbee maxaad ka Yeelaysaa?
Siilaanyo: Adeer nimankaa gudabuursi sadex jeer ayaan saamaxay Waxayna sadexdaa jeer kala ahaayeen 1) markay Snm la dagaalameen 2) markay doorashadii hore iga heleen 3) iyo markan u dambaysa oo ay iga footeeyee.
Markaa saamaxadu ha ku filaato nimankaasi oo Eeda ha joojaan
Sigad: Madaxwayne maxaad ka yeelaysaa arinkii ceelbardaale Ee aan wali xal loo helin
Siilaanyo: Hada kuu sheegi maayo cida loo xakumayo laakiin wasiirka cadaalada ayey durba waraaqihii go,aanku ku qornaa horyaalaan oo sexeexiisa lasugayaa.
Sigad: Mudane madaxwayne wax kale ma soo wadaa?
Siilaanyo: Adeer maya hada ma soo wado laakiin haday duriyadu Iga dalbato labada xun iyo halka wasiir reerkii Cawda ee reer sheikh isaxaaqa waan iskaga tuuri.
Sigad: Dadka kale haday cawdaanse?
Siilaanyo: Intaan cadaaladii dhaarta ka Horaysay sii yay ha ku filaato reeraha kale, maxaa I dedejiyay Maan markii dhaarta sugo hadaan wax kale u ogolahay
Sigad: Madaxweyne sawirkii Rayaale ayaa wali dushaada sudhan Markaa maxaad uga jeedaa oo aad iskaga qaadi wayday?
Siilaanyo: Adeer aaway yar baan kayga sidh oo iga saar ninkan sawirkiisa Ku idhi oo inuu qaadaaban moodayay oo kan kaygiibaaban moodayee Indhaha ayanan sifiican sawirada iyo waxyaalaha nuucaaya ugu arag Waar yarkii mee? kaalay naga saraar waxan oo kaayaga noo saar
Sigad: Mudane Madaxwayne aad ayaad ugu mahadsantahay waraysiga aad Aad saxaafada sir raadiska ah siisay
Siilaanyo: Adeer adaa mudane ma reer oodwaynaad ahayd mise Mise axmed farax ayaad ahayd?
Sigad: Maya adeer Reer Awdal ayaan ahay
Siilaanyo: Reer Awdalaa? Adeer kalay kalay Agaasime ma dooni?
Sigad: mmm I don’t laakiin imisa ayay mishahar qaataan Agaasimayawgu?
Siilaanyo: Adiga bacda dhaartii cadaalada ayaan ku magacaabayaa Hadaan kusiiyo jagada oo kolay waxyar baad qaadan laakiin Meel dhac dhac badan baan ku geyn
Sigad: Oo Sawdigii yidhi reer Awdal wax dambe ma siinayo maxaa Ku badaley?
Siilaanyo: Markaan sidaa ku lagaa Axmed Farax ama reer Oodweyne Ayaan kumoodayay ee hada ma qaadatay jagada?
Sigad: Waan kasoo fikiri
Siilaanyo: Adeer Hadaba mid ma kaa codsadaa?
Sigad: Haa madaxweyne
Siilaanyo: Reer Awdal ha u sheegin in aan dfhaarta ka hor Wasiirada diyaarsaday
Sigad: sabab?
Siilaanyo: Markalaan Kuu Sheegi
Sigad: waayahay madaxwayne waad mahadsantahay
Siilaanyo: Adaa mudan:
Siilaanyo oo isla hadlaya ayaa anoo sii baxaya aan ka maqlayay erayadan guuxa ah ee hoos ku qoran
mmmm cidwalba wayn noo soo deynayaanmmmmmm
Waraysi qaade Cabdale Farah Sigad |