Afhayeenka Ciidanka nabad ilaalinta ee AMISOM ee ku sugan Muqdisho, ayaa ka hadlay eedeymo loo soo jeediyey oo ah in ay duqeyn u geystaan goobaha ay deganyihiin dadka rayidka ah.
Major Barigye Bahuko oo la hadlaayay warbaahinta Caalamka ayaa kasoo horjeestay eedeyntaas isagoo sheegay in ciidanka AMISOM aysan weerarin ama duqeyn goobaha dadweynaha aan waxba galabsan.
Wuxuu sheegay in dadkii eedeyntaas soo jeediyey aysan wax hubin, isagoo ka codsaday in ay baaritaan ku sameyaan.
Major Bahuko wuxuu sheegay masuuliyada khasaaraha iyo dhibaatada soo gaaraysa dadka rayidka xilliyada ay dhacayaan dagaalada ay qaadayan kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda Dawladda Federaalka.
Dhanka kale wuxuu sheegay in dadka ku dhinta magaaladda Muqdisho inta badan la sheego in ay yihiin rayid balse u arintaas kasoo horjeestay.
”…Dadka dhinta oo dhan waxaa la dhahaa waa shacab, balse waxaa ku jiraa dagaalyahano waayo dadka dagaalamaaya iyo dadweynaha waa isku lebis…”,ayuu yiri.
Dagaaladda ka dhaca magaaladda Muqdisho waxaa khasaaraha badan inta badan soo gaaraan dadka rayidka ah ee ku dhaqan xaafaddaha ay dagaaladu ka dhacaan.