Gudoomiye ku xigeenka goblka Sool, ahna ku simaha garaadka beesha Cabdi Garaad (Qayaad) Xaaji Sulub Caligaas oo haatan ku sugan wadanka Sacuudi Carbiya, kuna guda jira gudashada xajka ayaa maanta la soo xiriiray warbaahinta dharkayn media asagoo tahniyad iyo bogaadin ku aadan ciidda Adxa kaga faa’daysanaya. Wuxuuna hadalkiisa ku billabay ”maanta waa maalin weyn, waana maalin in Alle la isxasuusiyo mudan. Asaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu ka hadlay sida loogu baahi weyn yahay in laga wadashaqeeyo danaha umadda, meelna looga soo wadajeesto dadka carqaladaha ka dhex wada umadda. Wuxuuna tahniyad u diray muslimiinta meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, si gaar ahaaneedna gobolada SSC.
Gudoomiyaha ayaa khudbadaasi kaga faa’iidaystay inuu baaq u diro dhammaan dadka ku nool gobolada SSC asagoo ka codsaday in laga shaqeeyo dib u xoraynta gobolada SSC ee sida gardarada ah loogu soo duulay.
Ugu dambayntii wuxuu EEBBE ka baryay inuu umadda ka qabto kuwa sharwadayaasha ah ee kasoo horjeeda deganaanshaha deegaanka iyo in EEBBE ka kor qaado cooladaha iyo abaaraha daashaday umadda soomaaliyeed.
Bahda dharkayn media