SHIRKADAHA SHIDAALKA OO KU SOO HALIILAYA NUGAAL

 


Dadka udhashay SSC oon waxba la socon iyo shirkadaha shidaalka ee reer galbeedka oo siwaalan ugu dadaalaya in ay hantiyaan Nugaal, iyo labada maamul oo kala gatay Nugaal.

Nugaali waa dooxo uu ilaahay ku manaystay shidaalka, dadka ku nool oo reer guuraa ubadanina aanay, lasocon waxa ay shirkadaha shidaalka iyo maamulka hargeysa ka damceen dhulkooda.

 

Waxaa lagu sheegay(sahankii Sproule samaysay 2007kii) in uu ku jirto shidaal kabadan 4bbl Dooxada Nugaal, lacago aad u badana waa lagu kala qaatay.

 

Dooxada Nugal oo waqtigii daraawiishta dad badani naftooda ku waayey, oo jiilkii hore ee SSC  ahi, waxaa nasiib daro ah in maantana dad ku dhintaan aan waxba galabsan oo guryahooda loogu yimid, Damaca maamulka waqooyi Galbeed iyo hunguriga shirkadaha shidaalka awgiis.

 

Dawlada ingiriiska oo jiilkii hore ugaysatay xasuuq aad uxun, dadbadana ay naftooda ku waayeen dagaalkii Daraawiish iyo Ingiriiska u dhexeeyey, iyagoo loogu yimid dhulkooda, waxaa aad wax looga xanuun sado ah in maantana nalagulaayo Nugaal, hanoqoto xariiqdii Ingiriisku dhigay ama shirkado wata magaca Dawlada Ingiriiska.

 

Waxaan usheegayaa Dawlada Ingiriiska in ay naga maqan yihiin dad aad ubadan ooy ku laayeen xaqdaro, diyaarna aanu unahay in aan dacwayno Dawlada Ingiriiska.

 

Sidoo kale waxaan usheegayaa Maamulka waqooyi Galbeed in uu  si degdega uga uga baxo dhulka uu gardarada ku haysto.

 

Shirkadaha shidaalka waxaan usheegayaa in ay dusha uridan doonaan dhamaan wixii dhibsoo gaadha iyo wixii dhib ahaa ee ku dhacay dadka Gobolada SSC ooy sababtay danta aad ka leedihiin Nugal.

 

 

Dadka SSC waxaan usheegayaa in loo gaystay  dil , dhac iyo dhibaatooyin la xidhiidha oo farabadan oo aanay xaq ulahayn in lagu sameeyo, waxaan  idin lee yahay waxgaradka iyo Isimadu waa in ay yimaadaan Nairobi kana soo qayb galaan shirka Beesha SSC ee lagaga arin sanayo danaha Gobolada SSC.

 

 

 

 Dr. A.A Sheikhdon