Farriin ku socota dibadjoogga degmada Dharkayn Geenyo

 

Waxaanu idin xasuusinaynaa marka hore in degmadu Dharkayn Geenyo uu ALLE ku manaystay nabad gelyo iyo barwaaqo waana markii la barbardhigo xaaladda maanta uu sugantahay wadankeena Soomaaliya.

Waxaase dadweynaha degmadu tabayaan waxtarka dibjoogga ee aanan marnaba laga maarmi karin. Waxaa ugu weyn ee hadda loo baahanyahay waa ISBITAAL. Waxaa dhacda bukaanka loola cararo Laascaanood ama Gaalkacyo oo labada magaalaba masaafo fog u jira degaanka. Sidaa awgeed waxaa lagu boorinayaa dibadjoogga in ay ka qeybqaataan dhisidda Isbitaal. Sidoo kale waxaa dhammaan muslimiinta  inta jecel samaha iyo in ay ALLE dartii uga qeyb qaataan dhismahan muhiimka ah la ogeysiinayaa in waxtarkaaga loo baahanyahay.

Waa fursad muhiim ah oo ALLE aktiisa aad kaga helayso abaalmarin buuxda.

  

Wabillaahi Towfiiq

Maamulka warbaahinta dharkayn