Hogaamiyaha mucaaradka ee dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Xasan Daahir Aweys ayaa eed kulul ujeediyey Ururada Caalamiga ah eetaageeraya dowladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Xasan Daahir ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya, isagoo wax laga xumaado ku sheegay in ay maalin walba taageeraan dowlad aan meelna gaarsiineyn wuxuuna ugu baaqay in ay beenta ka daayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Mr. Aweys ayaa tilmaamay in ay jiraan dhibab badan oo ay Ururada Midowga Africa, Qaramada Midowbay, IGAD iyo Midowga Yurub ay ku hayaan dalka Soomaaliya, kuwasoo uu sheegay in ay ugu weyn yihiin in ay maalin walba hub iyo lacag siiyaan shaqsiyaad uu sheegay in ay ka soo horjeedaan nabad ka dhacda dalka Soomaaliya.

Hogaamiyaha Xisbul Islaam ayaa ku sheegay ciidamada Midowga Africa in ay ka soo horjeedaan nabad ka dhacda Soomaaliya, isagoo ku eedeeyey dowladaha Ugandha iyo Burundi in ay ka gaabiyeen baaqyo caalami ah oo ay ujeediyeen kuna aadanaa in ay faraha kala baxaan Xaaladaha Siyaasadeed ee gudaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Xasan Daahir ayaa ku eedeeyey Axmed Walad Cabdalla in uu ka soo horjeedo nabadgalyada Soomaaliya, isagoo sheegay in uu maamulayo wax ugu yeeray dowlad Magac uyaal ah, oo aan ka talin meelna wuxuuna ugu baaqay Xoghayaha guud ee Umadaha Midowbay in ay ka fiirsadaan talaabooyinkooda ku aadan xaalka Soomaaliya.

 

Bahda dharkayn media.