Maamulka Islaamiga ee ka arimiya magaalada Kismaayo ayaa dab qabadsiiyay daawooyin tiro badan oo dhaafay xiligii loogu talo galay in la isticmaalo. Kontomeeyo kaartoono ay ku jireen daawooyin dhacay oo laga soo uruuriyay farmashiyeyaal iyo ruggo caafimaad ayaa maalinnimadii shalay waxaa meel fagaare ah ku gubay maamulka Islaamiga ee ka arimiya magaalada Kismaayo.
Kuxigeenka madaxa waaxda caafimaadka iyo fayo dhawrka maamulka Islaamiga ee Kismaayo Cabdifatax Ibrahim Cali ayaa sheegay in talaabadani kamid tahay talaabooyin badan oo ay horay u qaadeen kuwaasi ooy ooga golleeyihiin ilaalinta sixadda iyo dhawrista caafimaadka bulshada.
Maamulka Islaamiga ee Kismaayo ayaa horay uga soo saaray wareegto uu ku mamnuucayo iibinta iyo ka ganacsiga daawooyinka iyo kimikooyinta dhacay iyo waliba ku daadinta meelaha qashin qubka ah kuwaasi oo sababi kara inay caruurtu cunaan ama siyaabo kale ugu gudbaan bulshada.
Talaabadan ay qaadeen maamulka Islaamiga ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay shacabka ku dhaqan magaalada, waxaana sidoo kale dadwaynuhu aad ugu amaaneen maamulka ka jira magaalada Kismaayo isbadalka dhinaca amaanka iyo nabadgalyada ku yimid mudadii uu jiray.
Bahda dharkayn media