Afhayeenka Xarakatul Shabaabil Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamud Raage (Cali Dheere) oo Goor dhoweyd la hadlayey saxaafada magaalada moqdisho ayaa sheegay inay la wareegen gabi ahanba Fariisimahii aay saaka weerarka ku qadeen Mujaahidiintu

Sheekh Cali Dheere ayaa ku eedeyey ciidanka dowlada KMG ee Somaliya inay dadka dhibaato ugu geysteen degaanka Galgalato oo taasi sababtay in Mujaahidiintu dadka u fidiyaan Gurmad madama aay dhibaato ku hayeen ciidanka dowlada KMG ee Somaliya

Afhayeenka ayaa sheegay inay la wareegen hub aad u fara badan iyo waliba Gawaari aay ka qadeen ciidankii Dowlada ee Halkaasi ku sugna isaga oo sidoo kale sheekhu sheegay inay qabqabteen kuwa kale oo ka tirsan ciidanka

Ma jiro war ka soo baxay dhanka kale ee dawlada KMG iyadoo xaaladda deegaankaas la soo sheegayo inay hadda degan tahay dhamaana aay gacanta ku hayan ciidanka Xarakatul Shabaabil Mujaahidiin.