BAAQ NABADEED
Anagoo ah bahda mareegta dharkayn media iyo guud ahaan jaaliyadda Dharkayn geenyo waxaan baaq nabadeed u diraynaa walaalahayaga ku nool deegaanka cadaada iyo nawaaxigeeda ee uu dhawaan ka dhex oogmay dagaalka dhimashada iyo dhaawaca gaystay. Waxaan ugu baaqaynaa inay beelaha walalaha ah ee aan marnaba kala maarmin ay qaboojiyaan xiisadda colaadeed ee dib u soo cusboonaatay. Waxaan idiinku baaqaynaa inaad ilaalisaan nabad gelyada oo lagu helo wax kasta oo horumar leh, waa inaad ilaalisaan walaalnimada iyo islaanimda.
Waxaan sidoo kale ku dhiira gelinaynaa in ay culimada, waxgaradka, guddida labada beelood ee walaalaha ah iyo xukuumadda Puntland xil iska saaraan sidii ay u dajin lahaayeen dilalkan micna darada ah ee soo noqnoqday. Dagaal xal ma keeno, ee wadahadal halagu dhameeyo colaadan soo laba kaclaysay.
Waxaan EEBBE uga baryeynaa in uu dadka walaalaha ah qalbigooda isu soo dhaweeyo, kana dhex dhaliyo nabad waarta.
Wabillaahi Towfiiq
Bahda dharkayn media