Maxaad kala socotaa xowliga ay ku socoto degmada Dharkayn Geenyo ee iyo camiraadda kaddib markii ay reer Laascaanood u soo guureen degmada.

Waxaa beryahan dambe aad u soo camirmaya magaalada Dharkayn Geenyo oo dad aad u tiro badan ay u soo gurreen kaddib markii ay xamili waayeen nolashii Laascaanood ee ay fadhiyaan maamulka Soomaliland.

Degmada Dharkayn Geenyo oo magaalada Laascaanood kaga beegan koonfur galbeed, dhacdana dhinaca Hawdka, qiiyaastiina u jirta 80km magaalo madaxda Gobolada SSC ayaa waxaa u soo guurey dad isugu jira sida ganacsato, reero ka kooban qoysas iyo dhalanyaro badan. Dadkan ayaa dhamaantood usoo guuritaankooda Dharkayn ku macneeyey mid ay ku raadinyaan nolo cusub, ayna u arkaan in ay tahay fursad qaali ah maadaama magaalada ay dhismayso, kana hirgalayaan nolol casri ah. Dadka soo guuray qaar ka mid ah ayaa waxay inoo sheegeen ayagoo lahadlaya dharkayn media in ay u soo guureen siyaabo kala duwan. Md. Xuseen Ciise Xasan oo ah nin ka sheqeeya xawaaladaha Laascaanood ayaa wuxuu noo sheegay in uu qoyskiisii  usoo raray Dharkayn Geenyo kaddib markii ay noloshii ku adkaatey balse Dharkeyn ay qoyskii ka helayaan biyo macaan oo bilaasha ah, Caano iyo Dhuxul jaban, isla markaana ay nolol caadi ah oo ka wanaagsan tan Laascaanood ay ku noolaanayaan ayuu yiri.

Sidoo kale Caasha Maxmed Cabdi oo ah ganacsato ka ganacsata dharka iyo shaarishaariga iyo sidoo kale bagaashka kala duwan ayaa iyadu dukaankeedii gebi ahaanba u soo raratey Dharken Geenyo iyadoo sabab uga dhigtay in suuqa ganacsi oo dhaqdhaqaaq wanaagsan leh kajiro Dharkayn. Aayada oo halkeedii siiwadata una waramaysa warbaahinta degmada Dharkayn Geenyo ee dharkayn.com ayaa waxa ay sheegtay in si wanaagsan ganacsigeedu u socdo isla markaan ay sitoos ah ugu xidhan tahay Dubia, Bosaas iyo Hargeysa.

Dadka reer Laascaanood ayaa soo dhowayn iyo mahad balaadhan kala kulma dadka degaanka ah ee Dharyan Geenyo. Iyaga oo ay farxadi kamuuqato ayey yiraahdeenwaxaanu ka helnayba sida wanaagsan ee ay dadka inoo soo dhoweynayaan. Waxaa soo dhoweyntaa u dheer iyada oo ay kahelayaan degamda guryo waaweyn oo casri ah iyo biyo macaan oo nadiif ah. Bulshada kudhaqan degmada ayaa lagu yaqaan diiranaan iyo soo dhoweyn wacan. 

Dhinaca kale degmada Dharkayn Geenyo waxaa ka socda olole balaadhan oo ah mashaariic kala duwan oo ah qaar laga hirgeliyey iyo kuwo hadda la billaabayo. Waxaa mashaariicdan maalgeliyey Hay'adda degaanka ee Isha Development Committee ee  fadhigeedu yahay Norway iyo Al-manhal.

Sawirrada Dharkayn Geenyo ka daawo halkan

Muuqaalka Degmada Dharkayn Geenyo

Weriye sare: Yasin Mohamed Ahmed

Dharkeyn Geenyo, Soomaliya