Kulan xaasaasi ah ayaa maanta ka dhacay madaxtooyada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland kulankan oo dhex maray xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland iyo xildhibaano ka soo jeeda SSC ayaa waxa lagu soo qaaday laba qodob oo xaasaasi ah, labadan qodob oo kala ah ,
kulan shalay dhexmaray laba xubnood oo ka tirsan maamulka Puntland iyo taliyayaasha malayshiyada Hargeysa oo ka dhacay Tukaraq, iyo su,aal ku saabsan dhulka cusub ee laga qabsaday Puntland.
Kulankan oo ay goob jooge ka ahaayeen xubnaha kala ah madaxweyne ku xigeenla Puntland C/samad Cali Shire, Wasiirka garoomada Axmed Garaash, Wasiirka hawlaha guud Daahir Xaaji Khaliif, wasiir ku xigeenka waxbarashada C/raxmaan Diiriye Carab, wasiirku xigeenka Maaliyada Cabdi Qawdhan Warsame(Cabdi Halas), Maxmed Faarax Wasiirka kaluumaysiga , waxaa iyaguna ka socday dhinaca Xildhibaanada Guddoomiye ku xigenka labaad ee golaha wakiilada Xaaji Waalwaal, Faarax Sulub Jaamac, Cali Dhagacade , Ismaaciil Abtiile, Cali Axmed Cismaan. Ibraahim Maxmuud Guure, Aadan Xaaji Xuseen Ismaaciil, Xariir Gaas Guutaale, *****ar Jaamac Saleebaan, Saleebaan Yuusuf Dhigane, Maxmuud Jaamac Banaf, Saadiq Abshir Garaad, Abshir Cabdi Shiikh iyo xubno kale oo badan.
Xildhibaanada ayaa waxa ay ugu horayn madaxweyne ku xigeenka weydiiyeen laba Su,aalood oo kala ah wax ilaa hada maamulka Puntland dhulka la qabsaday iyo madax dhaqameedka la duljoogo uu maamulku uga hadli waayey iyada oo xaalad dagaal lagu jiro, waxa kale oo ay waydiiyeen madaxweyne ku xigeenka waxa uu kala socdo kulan Tukaraq ku dhex maray laba xubnood oo ka tirsan maamulka Puntland iyo xubno ka socda maamulka Hargeysa, labadan xubnood oo ay ku sheegeen in ay kala yihiin Wasiir ku xigeenka maaliyada Puntland Cabdi Qawdhan Warsame(Cabdi Halas) Iyo Xildhibaan Cali Dhagacade.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka jawaabaya qabsashada dhulka Puntland laga qabsaday ayaa waxa uu yidhi " ugu horayn annagu waanu taageersanahay shirka madax dhaqameedka hasa yeeshee dhulkan ay soo galeen ciidamadani waxay u yimaadeen shirka Holhol ka socda wayna noqon doonaan marka hawlahay u socdeen dhamaadaan, tan kale annagu haddii ciidan kaa xoogweyni jiro in aad dagaal ku qaado maaha waa in aad siyaasad isticmaashaa, maadaama xaalku sidaas yahay annagu waxaanu ku hawlanahay dagaal kale oo ah argagixiso, waxaanuna ciidan ku haynaa sided goobood oo ay ka mid yihiin Boosaaso, Gaalkacyo Garoowe, markaa ciidankaas meel kale u dirimayno, ciidamadan Somalilandna way noqonayaan".
Intaas markuu kaga jawaabay Su,aashii hore ayaa waxaa soo galay xafiiska shirku ka socday Wasiir ku xigeenka maaliyada Cabdi Halas iyo xildhibaan Cali Dhagacade waxayna xildhibaanadu mar kale ku celiyeen waxa uu kala socdo Madaxweyne ku xigeenku kulanka ku dhex maray magaalada Tukaraq madaxda Puntland iyo Ciidamada hargeysa, intii aanu madaxweyne ku xigeenku u Hollan ka jawaabida su,aashaasi ayaa waxa ka codsaday in uu jawaabo Xildhibaan Cali Dhagacade maadaama ay iyagu kulankan la soo qaateen xubnaha ka socday maamulka Hargeysa ,Xildhibaan Cali Dhagacade waxa uu qiray in kulankaasi jiro oo ay waliba dhaafeen Tukaraq, lana soo kulmeen xubno ay ka mid yihiin, Cali Afdheere , Aftax Diiriye Madoobe, Faysal oo isagu ah nin ka soo jeeda Bariga Burco, wuxuuna sheegay in ay halkaa ugu tageen sidii ay uga codsan lahaayeen ragga ay la kulmeen in aysan qabsan magaalada Tukaraq oo ay baryo badan ka dib ka ogolaadeen in aysan Tukaraq qabsan oo dib uga noqdaan, ayna badbaadiyeen Magaalada" .
Intaasi markii uu Xildhibaan Cali Dhagacade sheegay ayaa isna waxaa hadalka u baxay Cabdi Halas Qawdhan wuxuuna yidhi " Annaga ayaa la kulanay Ragaas , waxaanuna badbaadinay dhul , ninkii aan la kulmi Karin ragaasoow annagaa hadaba kuu sheegayna oo la soo kulanay , manta Tukaraq waanu badbaadinay, laakiin dhul badan ayaa la qabsanayaa, ee hadaad wax isla haysaan badbaadiya hadeerba".
Intaas markii uu Cabdi Halas ku soo koobay hadalkiisa ayaa waxa ay xildhibaanadaii ku celiyeen madaxweyne ku xigeenka in uu isaguna kula socday iyo in kale , kana war hayey hawshan ay ku talaabsanadeen labadan mas,uul.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire ayaa waxa uu yidhi " Anigu lama ogayn kulankan laakiin hadaad leedihiin ilmaadeer ayaad tihiin waxba kama qabo" kulankii ayaa waxa uu ku dhamaaday far isku fiiq fiiq iyada oo xildhibaanadu ay ka soo baxeen kulankii ay la galeen madaxweyne ku xigeenka iyo xubnihii golaha wasiirada.
Kulankan ay la qaateen madax Puntland , Ciidanka maamulka Hargeysa ayaa waxa uu soo shaacbaxay ka dib markii ay shaaca ka qaadeen qaar ka tirsan ilaalada madaxweyne ku xigeenka oo loo sii kaxaystay ilaalo ahaan , markii ay arkeen sida wax u socdaana ay ka xanaaqeen iyaga oo saxaafada u sheegay in uu ka dhacay magaalada Tukaraq kulan shaki badan xanbaarsan, sidoo kale waxa waraysi uu bixiyey Garaad Jaamac Garaad Cali uu ku sheegay in Cabdi Halas kula kulmay Tuulada Godqaboobo isaga oo u sheegay in aan Tukaraq la joogin oo an cidi haysan ka dib markii uu war ku helay in Tukaraq la qabsaday , tan oo su,aalo badan ka soo baxeen waxa ku kalifay Cabdi Halas iyo Xildhibaan Cali Dhagacade magaalo ay kula soo kulmeen Ciidamada hargeysa in ay u qariyaan Garaadka , taas oo u muuqta qorshe lagu doonayey in loogu gacan galiyo maamulka Hargeysa Garaad Jaamac.
Dhinaca Kale waxaa aad laysu weydiinayaa talaabada uu qaadi doono Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire , maadaama ay labadan mas,uul ka qirteen hortiisa iyada oo ay maqlayaan toban xildhibaan oo ka soo jeeda SSC, iyo wasiiro badan Isaga oo Madaxweyne ku xigeenku hore xildhibaano ugu soo oogay in ay la kulmeen cadowga Puntland kuwaas oo la horkeenay Golaha wakiilada Puntland ka dib markii uu C/samad Cali Shire ku soo oogay danbi xilka looga xayuubinayo lana horkeenay golaha wakiilada loogana codeeyey.
Waxaa la sugaaba waa talaabada uu qaado C/samad Cali Shire , Wasiir Ku xigeenka Macasili doonaa? Xildhibaankan danbi ma ku soo oogi doonaa sidii kuwii hore?, waxa la sugaaba waa talaabada uu qaado Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland C/samad Cali Shire.
Xigasho Widhwidh