Halkan waxaad kaga bogan kartaa sawirradii ugu dambeeyey ee degmooyinka Domco iyo Dharkayn Geenyo iyo ardaydii oo fasaladooda ku jira. Waxaa isku soo dubariday warka, inoona soo gudbiyey sawirrada maamulaha hay'adda ISHA SOMALIA ee md. Mahada Sulub Caligaas.

 

  

Dugsiga Domco iyo ardaydii oo fasalkoodii ku jira.

  

Dugsiga Dharkayn Geenyo

  

Dugsiga Dharkayn iyo ardaydii oo hor safan.

  

Dugsiga Dharkayn iyo ardaydii oo hor safan.

  

Dugsiga Dharkayn iyo ardaydii oo fasalkoodii ku jira

 

Hay'adda Isha Development Commiittee ee fadhigeedu yahay wadanka Norway ayaa waxa ay wadashaqayn ka dhexeysaa hay'adda ISHA SOMALIA ee ka howl gasha gobolada SSC. Hay'adda Isha Dev. Comm. ayaa xusul duub ugashay, welina ugu jirta sidii ay caruurta degaanadan u heli lahaayeen waxbarasho buuxda. Waxaana wax EEBBE lagu mahadiyo ah in maanta ay dhiganayaan arday badan dugsiyadan.

Bulshada Dharkayn Geenyo iyo Domco ayaa waxa ay u arkaan fursadatan mid qaali ah maadaama ay caruurtii ay heleen dugsi ay dhigtaan, kuna helayaan waxbarasho. Hooyo la soo xiriirtay hay'adda Isha ayaa waxay tibaaxday in hay'addu degaanka ay ku soo kordhisay wax lataaban karo ayna islamarkaa rajaynayso in hay'addu ay wax ka qabato dhanka caafimaadka.

Waxay hay'adda Isha Dev. Comm. mahad ballaaran u gudbinaysaa howlwadeenada hay'adda ISHA SOMALIA iyo maamulayaasha dugsiyada Dharkayn Geenyo iyo dugsiyada kaleba oo isku xilqaamay in ay caruurta degaanka wax baraan.

 

Xafiiska hay'adda Isha Dev. Comm.

Norway

Faysal Cabdi-urur

www.isha.no