Isha Aid

   

 Dugsiga Domco iyo qaybinta hay'adda ay ardayda uqaybisay buugaag iyo qallimo.

Waxaa dhab ahaantii la oran karaa wuxuu degaanka u baahanyahay horumar balaaran oo ah dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo in badan oo kamid ah arimaha bulshada. Sidaa daraadeed waxa ay hay'adda Isha Aid isu xilsaartay daboolidda baahiyo badan oo ay bulshada u baahantahay sida:

·         ladagaalanka jahliga

·         kudhaqanka diinta islaamka

·         wacyigalinta bulshada

·         kashaqaynta nadaafadda iyo sidii loohormarin lahaa degaanka

·         muhiimadda nabadgelyada degaanka

·         ku dhiiri galinta dhalinyarada waxbarashada



Hay'adda Isha Aid waxa uu codsi u dirayaa dhamaan qurba joogta degaanada Dharkayn Geenyo si ay isaga kaashadaan horumarinta degaanada ay aafeeyeen abaaraha iyo jahliga aan dhammaadka lahayn.


Hay'adda wuxuu si joogta ah u soo gudbin doonaa wax qabadkiisa ku aadan bulshada iyo taageerada uu u baahan yahay iyo baahida loo qabo taageero laga helo qurba joogta.

 

  

 

Madaxa hay'adda Isha Aid  iyo wakiilka hay'adda  Isha Development Committee

Mahad Sulub Caligaas