Isimada oo Baaq Ku Aadan Shirka Khaatumo2 Soo Saaray Golaha Isimada Sool, Sanaag iyo Cayn. Posted: October 4/2011, 9:41 pm
Isimada oo Baaq Ku Aadan Shirka Khaatumo2 Soo Saaray Golaha Isimada Sool, Sanaag iyo Cayn
Ujeeddo: Qabsoomidda Shirwaynaha Khaatumo 2 ee Beesha Dhulbahante Shir wadatashi ah oo ay isugu yimaadeen isimada beesha Dhulbahante 3dii ilaa 4tii October 2011 kagana arrinsanayeen sidii shirwaynaha beesha Dhulbahante ee Khaatumo 2 u qabsoomilahaa, u guulaysan lahaa una soo bixilahaayeen go’aamo wax ku ool ah oo ka turjumaya danta iyo rabitaanka shacab weynaha Dhulbahante ay kaga bixilahaayeen dhibaatada ay ku sugan yihiin dad ahaan iyo dal ahaanba.
Isimadu iyagoo la tashaday cuqaasha,waxgaradka iyo qaybaha kale duwan ee beesha, ilaalinaya midnimada beesha, kana duulaya gudoonkoodii hore ee ku taariikhaysnaa.
16/03/2011 ay ku soo jeedinayeen in shir weyne beeshu ku qabsato gudaha dalka islamarkaana tixgelinaya baahidii keentay gudoominta shirkaas, Waxaa ay gudoomiyeen iskuna raaceen :-
1- Taageerida gogoshii uu dhigay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo gudoonkiisii goobta shirka lagu qabanayo oo ah magaalada Taleex.
2- Muddada Shirku Bilaabmidoono waa 20/11/2011
3- In Ergada Shirka ka Qaybgalaya ay Noqoto 165 Xubnood oo ku Salaysan Saddex Meeloodkii
4- In Shirka Lagu Martiqaado 25 Xubnood oo Marti Sharaf ah oo 20 Xubnood Waa Dadka Gudaha 5 Xubnoodna Waa Dadka Dibada.
5-Beel walba Isimka, Cuqaasha iyo Waxgaradka ayaa soo Xulidoona Ergada Shirka Uga Qayb Galaysa.
6-Ergada Dibada Waxaa ay Ku Imanayaan Habka Seddex Beeloodka Waxaana Soo Xuli Doona Beel Waliba Qurbajoogteeda.
7- Qarashka Shirka Sidii Horyba loo Balan Qaaday Waxaa Laga Sugayaa Qurba Joogta Beesha.
8- Nabad Gelyada Shirka Waxaa Masuul ka ah Garaadka Gogasha Dhigay iyo
9- Qaban Qaabada Shirka Waxaa iska leh Beesha Gogasha Dhigaysa
10- Shirka iyo Ajandihiisa Waxaa Hagaya Isimada iyo Guddiyo ay Magacaabi Doonaan Marka Shirka Laysugu Yimaado.
Ugu Dambayntii Waxaa ay Isimadu ugu Baaqayaan Shacab Weynaha Beesha Dhulbahante Dibad iyo Gudeba in ay u Midoobaan Taageerida Shirka Islamarkaana ka Feejignaadaan Cidkasta oo isku Dayda in ay Carqaladayso Shirka.
Guul iyo Midnimo
1- Garaad Saleebaan Garaad Maxamed
2- Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe
3- Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur
4- Suldaan Siciid Cismaan Cali
5- Garaad Abshir Saalax Maxamed
6- Boqor Cabdilaahi Axmed Cali
7- Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed
8-Garaad Saleebaan Buraale Aadan
9-Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare
10- Ugaas Faarax Maxamuud Cali
11 Wakiil Garaad Sulub Cali Gaas
Bahda Warbaahinta Dharkayn