|

Hay'adda Isha Dev. Comm. ayaa waxa ay dhismo cusub ku kordhisay dugsiga hoose/ dhexe ee degmada Dharkayn Geenyo.
sawiradii oo dhan
|
Dharkayn Geenyo
Isha Development Committee oo hadda awood iyo wax ku filan u heshay ayaa waxa ay go'aan ku gaartay in dhismo lagu kordhiyo dugsiga hoose ee Dharkayn Geenyo. Dugsiga ayaa waxaa loo dhisi doonaa ilaa 10 fasal oo ay u dheeraan doonaan sida; xafiis, qolka kullanka(qolka qaabilaada), Makhsin iyo kushiin.
Dhismaha iyo ballaarinta lagu samayndoono dugsiga ayaa waxaa la doonayaa in sida ugu dhakhsaha badan loo guda galo.
Naqshadda dhismaha dugsiga Dharkayn Geenyo ka dheeho halkan
Sidoo kale waxaynu dhismo ku kordhin doonaa dugsiyada ku kalayaala sida;- Dabataag iyo Dhumay.
Xafiiska:
Isha Development Committee
Norway
|