Biyaha oo la cabo caloosha oo maran ayaa waxay ka hortag u noqotaa cuduro badan oo halis ah.


Waxa ay noqotay wax caada ah Dalka Japan Maanta inay Dadku Biya badan cabaan si toos ah markay Hurdada ka kacaan Aroortii iyada oo ay Calooshoodu madhan tahay, taas oo ku timid iyada oo ay ogaatay Jamciyad Caafimaadka ku hawlan oo Dalkaas ahi Guusha ah in Biyaha lagu daawayno karo Xanuuna badan oo aan laga bogsan oo khatar ah iyo sidoo kale kuwo meel Dhexaad ahba, daawayntanuna ay tahay mid lagu guulaysanayo 100% Xanuunada soo socda:

Madax Wareerka, Xanuunka jidhka, Xanuunada Wadnaha, Infection ka Xaglaha, Darbadaha Xawliga Wadnaha, Suuxista, Buurida xad dhaafka ah, TP da, Xiiqda, Infection ka Mareenada, Meningitis ka, Xanuunka Kelyaha iyo Mareenka Kaadida, Hungaacada, Infection ka Caloosha, Shubanka, Bawaasiirta, Sonkoriga, Calool Fadhiga, dhamaan Xanuunada Indhaha, Xanuunada Ilmagaleenka, Kudka, dhibta Dhiiga Dumarka, Xanuunada Dhegaha iyo Sunka iyo Hungriga,

Bukaanka qaba Infection ka Xaglaha waxa ku waajib ah inay raacaan isdaawayntaa aan kor ku xusnay Todobaadka kowaad 3 Maalmood oo keli ah, dabadeedna Maalin walba wixii laga bilaabo Todobaadka labaad. Hadaba Asluubtan isdaawaynta ah ee aan kor ku xusnay malaha wax Dhibaato ah oo Dhinac kale ah (side effect) iyada oo ay sidaas tahay baad bilowga waxad la kulmaysaa in aad marar badan Kaadido wax dhib ahna taas kuma jirto, waxana haboon inaan ku socono isdaawayntan oo aan ka dhigno waajib caado inoo ah Nolosheena

Caadayso Cabida Biyaha si is daba joog ah oo ku noolow Caafimaad iyo Jidh bedqaba iyo Firfircoonaan

waxay u muuqataa arintanu inay aad u Caqli gal tahay, Dadka China iyo Japan waxay ku cabaan Shaah kulul markay Cuntadooda cunayaan, markaa waxa laga yaabaa inuu Maanta Waqtigu ku haboon yahay in aan raacno Dariiqada Asluubtooda iyo Caadaadkooda ay u cunaan Cuntada!!! waxba kuma khasaaraysid bal waxbaad ka kasban

Xaga Dadka jecel in ay cabaan Biya qabow fadlan u fiirsada hadalkan soo socda.
Waxa uu noqon karaa wax macaan inuu Qofku cabo Koob Biya ah qabow ka dib ama laboba markuu wax cuno si kastabana arintu ha ahaatee Biyaha qaboobi waxay fariisiyaan oo ay ka dhigaan Solid is haysta Maadooyinka Saliida ahaa ee aad hada cuntay, waxayna gaabis ka dhigtaa arinta raqidinta, marka uu la kulmo Acid ka ay Calooshu soo daynaysona wuu jajabaa oo googo'aa waxana nuugaaya Xiidmaha si ka dheersa sida ay u nuugaan Cuntada solid ka ah ee kale, dabadeena waxay fadhiisanayaan Xiidmaha mudo yar ka dibna waxay isu bedelayaan Dufan waxayna horseedaysaa taasu oo keeni karta Cudurka Kudka (Cancer) Allaah haynaga hayee, markaa waxaa haboon inaad cabto Biyo Diiran markaa wax cunto ka dib.

Bahda dharkayn media.