Warbixin kooban oo la xidhiidha degmada Dharkayn ee G/Sool.


Dharkayn geenyo:- Magaalada Dharkayn Geenyo oo hilaadii 70km koonfur kaga aadan xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, kana mid ah degmooyinka ku teedsan xuduudda Soomaliya ee ay la wadaagto dalka Itoobiya, ayaa degaan hodon ka ah xoolaha iyo beeraha inatab.

Degmadan oo la yagleelay xiligii ay Soomalidu xoriyadda hanatey 1960-kii, laguna xasuusto in meeshu tahay halkii Sayid maxamed uu degay markii uu u socday wadanka Ogaadeeniya. Waxay ay kutaal dhulka hawdka ah ee xoola daaqsimeedka ku fiican. Degmadan Dharkayn ayaa waxaa ay dhawrkii sano ee ugu danbeeyey ku talaabsatey horumar dhanka adeegyada bulshada ah, sidoo kale waxaa laga dareemayaa in ay si weyn u balaadhatey.
 
Magaalada ayaa dhanka waxbarshada waxaa ku yaal dhawr malcaamadood oo dhanka qur'aanka kariimka ah, iyo dugsi hoose dhexe oo ay wax ka dhigtaan arday wiilal iyo gabdho isku jira. Dugsiga hoose/ dhexe ee Dharkayn geenyo, ayaa waxaa wax ka dhiga dhawr macalin oo ay gunnooyin siiso hay'adda madaniga ah ee ISHA SOMALIA ee fadhigeedu yahay Laascaanood. Hay'addu waxay wada shaqayni ka dhaxaysaa hay'adda Isha Development Committee oo sidoo kale xarunteedu tahay Norway ee uu madaxda ka yahay Faysal Xaaji Cabdiraxmaan Caligaas oo ku nool dalka Norwey.
 
Dhanka isgaadhsiinta oo guud ahaan deegaanka SSC horumar fiican laga sameeyey, ayaa waxaa ku yaal degmada dhawr madax oo layn,waxaana dhawaan laga dhisay xarun anteeno ah oo loo adeegsan doono mobile-ka. Waxaana la sheegay in 30-km oo dhinac walba ah gaadhayso.
 
 
        
 
 
Magaalada Dharkayn ayaa dhan kale si weyn u fidday, waxaana dhawaan laga dhisay guryo qurx badan, kuwaasi oo si weyn u bilay muuqaalka magaalada. Waxaa dhistey xubno qurbe joogta deegaankaas u dhalatay. Waxaadna arkaysaa in weli la deegaameenayo oo dhismo ku socdaan magaalada daafaheeda.
 
Isku soo wada duuboo Dharkayn-geenyo waxaa ka dhimman xarun caafimaad oo dhanka adeegyada bulshada wax weyn ka qaban lahayd. hadii arintaasi la hirgalinaya. Sidoo kale waxay u baahantahay maamul si wanaagsan u taaba gala oo laga yagleelo degmada si markaa kor loogu qaado tayada iyo billicda degmada.
 
C/casiis Saleebaan Axmed
wariye madax banaan
cumaani@hotmail.com
Dharyan G/Sool