![]()
Goor casar ah oo aynu safarka kuwada dhanahay md. Sulub Caligaas oo ah gudoomiyaha gobolka Sool ee Puntland, md. Mahad Sulub Caligaas oo ah madaxa hay’adda Isha Aid iyo aniga oo ah Faysal Cabdiraxmaan Caligaas ahna madaxa hay’adda Isha Development Committee ee fadhigeedu yahay Norway ayaanu ka soo muuqanay dhanka bari ee magaalada Domco. Magaalada afkeeda hore ayaa waxaa inooga horyimid hirar dad ah oo isdaba jooga, luxayeyna caleemo qooyan iyaga oo ku dhawaaqayey soo dhowaada. Waxay dadku isla dhex qaadayeen mashxarado ay ku dheehnayd farxad iyo raynrayn. Waxaa naloo soo dhaweeyey si weyn. Gaariga qurxoon ee raaxada ah ee md. Sulub Caligaas ayaanu si tartiib ah la dhex marnay dadweynihii, waxayna isha inoola raacayeen si qurxoon. Waxaa naloo tilmaamay bartii aynu kadegi lahayn magaalada oo ah guri marti sharafta loogu talagalay. Guriga waxa uu magaalada kaga yaal dhinaca koonfureed ee dhanka Dameercad looga baxo.
Kaddib isfududeyn, qubeys iyo iskalabixin yar ayaa waxaa naloo keenay shaah nadiirayey oo daalkii oo dhan ina hilmaansiiyey. Waxaa darbiyada ku safan barkimo qurux badan oo loogu talo galay in aynu ku dangiigsano. Qadar
daqiiqado ah dabadeed ayaa waxaa si tartiib ah inoogu yimid qaar kamid ah odayaasha magaalada, isbarasho dabadeedna waxay nagu wargeliyeen in aynu iska nasano, wakhti yar dabadeedna aynu isku soo noqon doono.
Waa hagaag…!
Waa qadadii, waxaa loo soo diyaariyey qado aad usharaf badan iyo cabitaan si wanaagsan loo soo diyaariyey. Cuntadii kaddib ayaanu barkimaheenii xusulada ladoonanay. Aad ayaanu udaal dhacsanay.
Salaaddii maqrib dabadeed ayaa madaxdii iyo odayaashii magaalada inoogu yimaadeen salaan, isbarasho iyo iswareysi intaba. Waxayna nagu wargeliyeen in ay degmadu si weyn u danaynayso lakulankayaga. Maalinta berrito ahna ay tahay maalin kulan iyo isbarasho dhanka bulshada Domco ah haddii ALLE idmo.
Fadhiga shaaha casariyada ee Domco
Waxaa lagaaray cishihii, waa gudcur, balse magaaladu waa wada ifaysaa. Waxaa waddada hareeraheeda kuwada yaal maherado iskugu jira maqaayado iyo dukaamo lagahelayo wixii aad ubaahato. Waxaannu dhex marnay magaaladii oo aan aad uga dareemayey shakhsi ahaan nabad gelyo weyn.
Wax qori sita indhahaagu qaban maayaan, dhagahaagana maqli maayaan rasaas dhacaysa. Dadku waxa uu wada caweynayaa maheradaha hortooda. Buuqa magaalada kabaxayana waad yaabaysaa. Gabadh maherad u shidnayd ayaan weydiiyey in magaalada laga seexdo, waxay igu tiri "magaaldu habeenkii oo dhan way soo jeeddaa ina adeer". Waa gartay !
![]()
Maalintii labaad ayaa waxaan lakullanay madaxdii, odayaashii, hooyooyinkii iyo dhallanyaradii magaalada Domco oo aan kadareemayey in dhexdoodu kajirtay wadashaqeyn iyo muwaafaqo. Waxaa isoo jiitay sida weyn ee ay u abaabulanyihiin, una danaynayeen horumarka degmada Domco. Waxaana I qanciyey, marag madoontana ahayd in aan idhahayga ku soo arkay dhammaan mashaariicda degaanka ka hirgalay. Taas oo ay saldhig u ahayd wadashaqeynta iyo iskuduubnida kajirtay dhexdooda.
Mahadin EEBBE kaddib, waxaa ay umahad celiyeen hay’adda Isha Development Committee iyo wixii horumar ah ee ay hay’addu kala qeyb qaadatay degaanka. Intaa kaddibna, dadka degaanka waxa ay guda galeen in ay ii soo gudbiyaan wixii uqabsoomay iyo heerarkii ay soo kala mareen. Waxaana intaa xigay baahiyaha jira ee aan looga maarmi Karin hay’ad iyo gacan dibadadeed, waxaana kamid ahaa kuwakan:
1. Ceelbiyood
2. Dugsi sare
3. Cusbitaal weyn
Aniga oo matalaya hay’adda IDC ayaa waxaan ballan qaaday in shakhsi ahaan iyo ka hay’ad ahaanba aanu ka gaysan doono horumarka degmada Domco wixii awooddayada ah. Sidoo kalena aan warka dadweynaha Domco iga soo gaaray aan usii gudbin doono guddida hay’adda Isha Dev. Comm. iyo ciddii kale ee danaynaysa in ay wax kala qabtaan bulshada Domco ee iyagu iskood isu abaabulay, qabtayna inbadan, haddana doonaya in ay sii wadaan halganka horumarka Domco.
La soco warka qeybtiisa xiga todobaadka soo socda …