Taageerada maamul goboleedka SSC ee Jaaliyadda Kristiansand ee Norway.

Anagoo ah Jaaliyadda gobolada SSC ee kunool magaalada Kristiansand ee wadanka Norway ayaa waxaanu halkan taageero buuxda uga diraynaa  maamul goboleedka cusub ee  lagaga dhawaaqay magaalada taariikhiga ah ee Taleex.

 

Maamul goboleedkan ayaa ahmiyad weyn iyo mudnaan gaar ahaaneed u leh bulshada SSC oo xaalad adag iyo marxalado kala duwan intii muddo ah ku soo jirtay. Talaabadan qiimaha weyn leh ayaa waxa ay horumar u tahay gaar ahaan bulshada SSC, guud ahaana bulshada soomaaliyeed meel ay joogaanba.

 

Waaxanu ayidsanahay sidoo kale fikirka siyaasadeed ee ku salaysan daris wanaagga iyo nabad kula noolaashaha maamulada aynu dariska nahay.

 

Waa maalin weyn, waxaana EEBBE kabaryeynaa maamulkan in uu noqdo mid gaar ahaan anfaca dadweynaha goboladan SSC, guud ahaana dadweynaha soomaaliyeed dhammaantood…aamiin.

 

 

Magacyada sawirka: Md. Maxamed, Md. Dirir, Md. Faysal Cabdiraxmaan Caligaas,  Md. Cawil Maxamuud Wade, Md. Axmed, Md. Cabdifataax Maxamed Xirsi

 

 

 

Guul iyo Horumar

 

Jaaliyadda Kristiansand, Norway

 

 

Bahda Warbaahinta Dharkayn